XOG: Salaad Cali Jeelle iyo Siyaasiyiin kale oo ku Biiraya Mucaaradka Dowlada...

XOG: Salaad Cali Jeelle iyo Siyaasiyiin kale oo ku Biiraya Mucaaradka Dowlada Farmaajo

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Hobyomedia .com ayaa sheegaya in siyaasiyiin uu hoggaaminayo Salaad Cali Jeelle ay ku dhow yihiin inay kasoo horjeestaan siyaasadda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Salaad Cali Jeelle iyo siyaasiyiintan kale oo dhamaan magacyadooda aan dhawaan idin soo gudbin doono ayaa ashtako ah Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Sida caadada aheyd Guddoomiyaha ka horeeyay Yariisow Thaabit Cabdi ayaa siyaasiyiintan ku qaabili jiray xarunta Dowlada hoose, wuxuuna siin lacagihii ay dalbadaan halka iyagana dowlada si buuxda u taageeri jireen.

Guddoomiye Yariisow ayaa joojiyay inuu xafiiskiisa ku qaabilo siyaasiyiintan, isagoo sidoo kale hore kaga jaray lacago ay dowlada ka qaadan jireen.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in arintan uusoo fara galinayo Madaxweynaha Soomaaliya maadaama siyaasiyiintan ay dowlada tiir u yihiin isla markaana hadii ay kasoo horjeestaan ay sii fara badanayaan mucaaradka dowlada

LEAVE A REPLY