XOG: Siyaasiyiin & Xildhibaano ka soo jeeda Mid ka Mida Mamul Gobaledyada...

XOG: Siyaasiyiin & Xildhibaano ka soo jeeda Mid ka Mida Mamul Gobaledyada oo diiday inuu Madaxweynahooda la heshiiyo Villa Soomaaliya.

0
SHARE

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda Jubbaland kana tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hor yimid warar sheegaya in magaalada Nairobi lagu heshiisiinayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Dowladda Federaalka oo uu garwadeyn u yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo howlo shaqo halkaasi u joogo.

Shir ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen Waxgarad,Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa waxay Dowladda Kenya ka dalbadeen inaan rabshado loo horseedin shacabka Jubbaland loona tixgeliyo rabitaankooda.

Warar horay u soo baxay ayaa sheegayay iney socdaan dadaalo lagu kullansiinayo madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo safarkooda kulmiyay magaalada Nairobi si ay fool ka fool uga wada hadlaan Khilaafka iminka ka dhex aloosan.

Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya ayaa ku kala fogaaday Go’aankii dhex dhexaadnimada ee laga qaatay Xiisadii Khaliijka oo Axmed Madoobe uu ku sheegay in Dowladda Federaalka balanta uga baxday.

Wuxuuna sheegay in Imaaraadka Carabta uu yahay dal saaxiib ah oo caawiya Ciidanka Dowlad Gobolleedyada gaar ahaan kuwa Jubbaland

LEAVE A REPLY