XOG Weeraro laga Cabsi qabo inay ka dhacaan Muqdisho iyo Wadoonka oo...

XOG Weeraro laga Cabsi qabo inay ka dhacaan Muqdisho iyo Wadoonka oo la xiray

0
SHARE

Sida aan wararka ku heleyno cabsi xooogan ayaa laga dareemayaa inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, taa oo la xiriirta falal amni darro.

Xogta aan heleyno ayaa muujineysa in maleeshiyaadka Alshabaab ay qorsheynayaan weeraro lagu carqaladeynaayo amniga magaalada Muqdisho.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in maleeshiyada ay ku goodisay in saacadaha soo socda ay magaalada Muqdisho ka geysan doonto weeraro lagu sheegay in lagu sii xoojinaayo dhiig dadka Sooman ee bisha barakeysan la daadiyay.

Gaadiid laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa lasoo sheegayaa inay ku jiraan gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo taargeedkooda lagu sheegay Xarumaha dowlada iyo Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Cabsida jirta aawgeed waxa ay dowlada Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adaha amaanka xireen dhammaan laamiyada magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka raaxada iyo kuwa BL-da laga mamnuucay inay maraan laamiga.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa jaray dhamman waddooyinka gala laamiga Makka Al-Mukarama, waxa ayna gaadiidku marayaan waddooyinka jid cadayaasha xaafadaha.

Cabsida ugu badan ayaa ka jirta Garoonka Aadan cadde ilaa Madaxtooyada Somalia, waxaana xusid mudan in laamiga Makka al-Mukarama lagu daadiyay ciidamadii ugu badnaa oo hubeysan.

Sidoo kale, Hay’adaha amaanka dowlada ayaa bisha barakeysa ee Ramadaan xakameysay Qaraxyadii ka dhici jiray magaalada Muqdisho, inkastoo ay kordheen dilalka.

Ma cadda sida uu xaalku noqon doono waxaana jira cabsi weyn oo laga qabo in maleeshiyada ay geystaan weeraro adag.

LEAVE A REPLY