Afhayeen Wasaarada amniga”Suuragal uma aha Dowlada in ay sheegto sida ay ku...

Afhayeen Wasaarada amniga”Suuragal uma aha Dowlada in ay sheegto sida ay ku suurta gashay inay dhacaan Qaraxyadii shalay”

0
SHARE

Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Xukumadda Somaliya C/casiis Ibraahim Cali (C/casiis Xildhibaan) ayaa maanta ka hadlay Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho Gaar ahaan Xarumaha Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo amniga ee Soomaaliya.

Xildhibaan ayaa eedeeyn u jeediyay Saraakiisha Ciidamada iyo Xukuumadda, isagoo su’aal ka keenay sababta ay ku suura gashay in gaari qarax ah, uu gudbo goob qad cagaaran ah.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo isla xisaabtan dhab balse isla xisaabtanka aanu noqon mid afka ah.

“Dowladda aan ka tirsanahay suurtagal uma aha iney Shacabka u sheegto waa la isla xisaabtamayaa, iyadoo aan garanayno meesha baabuurkaasi u soo gudbay, ma arkin hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaan”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.

Waxaa uu sheegay in mar walba la doorto Madax boorso wadata oo ka adeeganeysa shacabka, isla markaana aanay jirin qof isku casilaya xil uu gudan waayay.

LEAVE A REPLY