Akhriso :54-ta xubin ee Alshabaab ugu Sareeya iyo sida ay BEELAHA u...

Akhriso :54-ta xubin ee Alshabaab ugu Sareeya iyo sida ay BEELAHA u kala qeybsadeen

0
SHARE

Intiinii la socotay waxaan dhawaan idiin soo gudbinay qeybta Sedexaad warbixino musalsal ah oo aan uga hadli doono sida ay Beelaha Soomaaliyeed u qeybsadeen xilalka Ururka Al-Shabaab kuwooda ugu sareeyo, kowooda dhexe iyo kuwa Hoose.

Qeybtii koowaad ee warbixintaas waxaa kusoo qaadanayey 220 xubnood ee Al-Shabab ugu sarreeya iyo beelaha sida ay u kala qeybsadeen, sidoo kale qeybtii labaad ee warbixintaan waxaan kusoo qaadanay 10-ka xubnood ee golaha shuurada Shabaab iyo sida ay beelaha Somalia u kala qeybsadeen, Qeybta sedexaad waxaa kusoo qaadanay 27 Mas’uul ee ugu sareyso Amniyaadka Shabaab iyo sida ay beelaha u qeybsaden

Haddaba Waxaana Maanta qeybta Afaraad oo ah qeybta ugu dambeyso kusoo qaadan doonaa Sida ay beelaha u qeybsadeen Mas’uuliyiinta Jabhadda.

Beesha Hawiye ayaa mar kale qaadatay aqbaliyadda Mas’uuliyiinta ugu sareyso qeybta Jabhadda Al-Shabaab ee ka dagaalanto duurka waxayna qaadatay 57% oo ah in ka badan 30 xubin.

Beesha Daarood ayaa sida caadada aheyd ku jirto qaalinta labaad, waxayna qaadatay 15%, halka markii ugu horeysay ay isku qoondo qaateen Beelaha Dir iyo Digil & Mirifle kuwaas oo qaatay min 13% halka Beelaha Shanaad ay qaateen 2%.

LEAVE A REPLY