Akhriso Beelaha Habargidir iyo Abgaal oo la Kulmay Farmaajo ...

Akhriso Beelaha Habargidir iyo Abgaal oo la Kulmay Farmaajo Maxaa laga Wada Hadlay

0
SHARE

Wararka ay Helayso Saxaafada  ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin la qaatay Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ugu waa weyn ee kasoo jeeda Beelaha Habargidir iyo Abgaal.

Kulankan oo ah codsadeen Odayaasha dhaqanka Beelahaasi ayaa ujeedadiisu aheyd sidii Madaxweyne Farmaajo looga dhaadhicin lahaa inuu ku qasbo inuu iscasilo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in qeybihii dambe ee kulanka uu xasaasi noqday isla markaana ay hanjabaad u jeediyeen odayaasha iyo Siyaasiyiinta la kulmay Madaxweynaha, iyagoo ugu hanjabay haduu Kheyre joogo in amniga Magaalada Muqdisho uu sidan iyo kasii xun ahaan doono.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Odayaasha inay siiyaan waqti uu kusoo fekero maadaama hada uu jiro Khilaaf xoog leh oo ka dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Habargidir iyo Abgaal waxay si cad Madaxweynaha ugu cadeeyeen inuu ku qasbo inuu iscasilo Kheyre ama ay kala laabtaan wada shaqeynta ka dhaxeysa.

Wararka qaar ayaa sheegaya Guddi ka socda beelahan ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha waxayna ka codsadeen inuu iscasilo balse wuu ka biyo diiday.

Si kastaba ha ahaatee Xiisad culus ayay dhexda kaga jirtaa dowlada uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo waxaana loo badinayaa inuu ku bixi doono Ra’iisul wasaare Kheyre.

LEAVE A REPLY