Akhriso Dhaqtarkii Guud & Sarkaal muhiim u ahaa Al-Shabaab oo lagu dilay...

Akhriso Dhaqtarkii Guud & Sarkaal muhiim u ahaa Al-Shabaab oo lagu dilay Howlgal Qorsheysan oo laga fuliyay…

0
SHARE

Ka dib howlgal ciidamada Maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaano hoos yimaada degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Abaanduulaha Guutada labaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Maxamed Axmed Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Howlgal ay ka sameeyeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Badhaadhe ay ku dileen labo dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Mid ka mid ah labada Sarkaal ee Al-Shabaab laga dilay ayuu ku sheegay Abaaduulaha inuu ahaa dhaqtarkii guud Al-Shabaab ee Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada hoose magaciisana loo soo gaabiyo Suheyb Khaalid.

Shaqsiga kale ee Al-Shabaab looga dilay weerar ka dhacay degmada Badhaadhe ayaa lagu sheegay inuu ahaa Taliyihii Xisbada Aaga Galbeed ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kala kulmaya ciidamada Huwanta ee dhanka gaashaandhiga isiinaya.

LEAVE A REPLY