Akhriso Magaca : Alshabaab oo Howlgal Qorsheysan looga dilay Sarkaal...

Akhriso Magaca : Alshabaab oo Howlgal Qorsheysan looga dilay Sarkaal Muhiim u ahaa

0
SHARE

Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Ufurow ee Gobolka Baay, ka dib markii ay hawlgal ku galeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ka ambabaxay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa ku guuleystay in hawlgalkaasi ay ku dilaan Gudoomiyihii Shabaabka ugu magacawnaa Degmadaasi Ufurow.

Ninkan oo magaciisa lagu gaabiyay Ibdiyow ayaa sida la sheegay waxaa loogu dhacay Hoygii uu Ufurow ka deganaa, iyadoona ay ciidanka ku dhex dileen, ka dib markii uu dagaalamay.

Ciidanka oo aan hawlgalkoodu la dareemin ayaa dib ugu laabtay Degmada Qansaxdheere, waxayna dilka ninkaasi Shabaabka Ufurow ka arrimiya ay ka war helayn goor dambe.

Saraakiisha Xoogga Dalka qaybtooda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in hawlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, ciidankana ay u fuliyeen sidii loogu talagalay.

Saraakiisha ayaa sheegay in ujeedada ninkaasi loo qaarajiyay ay ahayd isagoo soo abaabuli jiray weerarada Shabaabka ku soo qaadayaan Qansaxdheere, sidoo kalena uu ninkaasi juhdi ku bixin jiray go’doominta Shabaabku ku hayaan degmadaasi.

Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Shabaabka ayaa xaqiijisay geerida ninkaasi. Sida ay idaacaddu ku warantay waxaa ninkaasi lagu dilay weerar fuleynimo ah.

Ufuwow waa degmada keliya ee Shabaabku ka jooggaan Gobolka Baay. Shabaabka waxaa horey looga xoreeyay Buurhabaka, Baydhabo, Bardaale, Qansaxdheere iyo Diinsoor.

LEAVE A REPLY