Akhriso Magacyada Masuuliyiin Dowalda Ka Tirsanaa oo Ku Geeriyooday Qaraxi iyo Weerarka...

Akhriso Magacyada Masuuliyiin Dowalda Ka Tirsanaa oo Ku Geeriyooday Qaraxi iyo Weerarka Maanta

0
SHARE

Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ku bilaawday ee lagu qaaday Xarumaha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo ku yaalla Isgoyska Sayidka ee Magalada Muqdisho.

Dad isugu jira Shacab,Ciidan iyo masuuliyiin ka tirsanaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa weerarkaas ku waxyeeloobay kuwaas oo qaarkood la soo sheegayo in ay geeriyoodeen.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in dadka ku waxyeeloobay ee ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Ilkacase oo geeriyooday kaas oo tirsanaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha marna soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladdii Madaxweyne Xaan Sheekh Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.sidoo kale  Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaraddaiyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda uu ku dhaawacmay kaas oo lagu Magacaabo Siyaad.

Wararkii u dambeeyey ee haatan na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in weli gudaha Xarunta Wasaaradda Arrimaha laga maqlayo rasaas,waxan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sheegtay in uu socdo howlgal lagu soo afjarayo weerarkaas.

LEAVE A REPLY