Cabsi ka Tagan Magalada hobyo in ay shaba soo Weeraran iyo Sarakiisha...

Cabsi ka Tagan Magalada hobyo in ay shaba soo Weeraran iyo Sarakiisha Amanka Gobalka Mudug oo la dhaliilay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Tan iyo Markii Dgaaalo Socay Sadax Maalmood ay ka Socden Koonfurta Gobalka Mudug aya Waxa Dagalkaasi uu Sameyay Dad Badan oo  ku Noolaa Degano Hoos Taga  Magalada Xarardheere kuwaasi oo Halkaasi ka Sii Qaxay

Waxaa Soo Shaac Baxday Cabsi  ku soo Wajahday Dadka ku Nool Magaalada Hobyo Kadib Markii Deganadii ay ku wada Dagalameen Shabab iyo Dadka Deganka ee Koonfurta Gobalka Mudug Qaarkooda ay Shabab la Wareegeen Waxana  Shacabka Magalada  hobyo soo wajahay Cabsi ah in Weeraro ay Halkaasi ka  geysan karaan Xarakada Al-shabab

Sarakiisha Lamaha Amaanka Gobalka  Mudug   ayaa lagu  dhaliilay in degankaasi ay u diri waayeen ciidamo suga amaanka dadka degankaasi waxana   waraarka ay shegayan in  dadka degankaasi ay soo wajahday  cabsi sii ugu xooganayd

Qaar ka mida Dadka Deganka hobyo oo la hadlay Warbaahinta Hobyomedia.coma ya Shegay in aysan   jirin ciidamo ku  filan degankaasi oo halkaasi ku sugan kuwasi oo la dagalami kara hadii alshaba ay halkaasi weerar ku soo qaadan waxana lamaha amaanka  iyo madaxda galmudug ay ka dalbaden in ciidamo dheeraad ah  halkaasi la keeno

sidoo kale Sarakiisha Amniga Gobalka Mudug booliska iyo Daraawiishta ayaan wali ka Jawabin  codsiga ka imanaya dadka degankaasi madama   cabsi xoogan ay wali  tagan  tahay kadib markii deganada u dhaw dhaw ay halkaasi alshaba ku sii siqeen

sikastaba ha ahaatee  alshabab aya sanadooyin badan ka ariminayay deganada koonfurta gobalka mudug waxana deganka xarardheere   oo ka mida deganada  hoos taga maamulka galmudug ay  heystan alshabab in ka badan 7 sano mana jirto  talaabo cad oo ay muujinayan ciidamada galmudug iyo kuwa dowlada dhexe si deganadaasi shabab loga xoreyn lahaa

Wixii warar ah oo ku soo kordha  kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY