Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed oo Amaanka Muqdisho Qaybo ka Mida ah...

Ciidamada Xooga Dalka Somaliyeed oo Amaanka Muqdisho Qaybo ka Mida ah Lagu Wareejiyay

0
SHARE

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkay Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed,kuwaasoo oo ka qeyb qaadanaya Suggidda Amniga Magaalada Muqdisho.

Ciidamaddaan oo ka tirsan Guutadda 14 October ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay qaar ka mid ah Meelihii laga qaaday Ciidamada xasilinta.

Qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Muqdisho ayaa  Hobyomedia u sheegay in ciidamaddaan ay yihiin kuwo dhalinyaro ah oo aad u hubeysan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in isbadel lagu sameyn doona Ammaanka Magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu wareejin doono ciidamo ka tirsan xoogga dalk Soomaaliyeed.

Ciidamaddii Xasilinta ee ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa guud ahaan laga qaaday, waxaana hadda ka dib Amniga Caasimadda Suggi doona Ciidamo isugu jira Milatari ah iyo Boolis.

LEAVE A REPLY