Daawo Ardayad Swedish ah oo Sameysay Arin aad loo Jeclaystay iyo Saxaafada...

Daawo Ardayad Swedish ah oo Sameysay Arin aad loo Jeclaystay iyo Saxaafada Calamka oo Maanta Si Wayn u Hadal Haya

0
SHARE

HM__Xafiiska Linz Austia Saxaafada Reer Galbeedka ayaa  si wayn u Hadal haysa  Gabar ardaydad  ah oo  lagu Magacaabo  Elin Ersson , Gabdhaasi oo Sameysay Dhacdo soo wada jiidatay  indhaha dad farbadan madama ay sameysay  Wax  ay adagtahay  in Qof  uu ku dhiirado xiliyadan oo kale

Elin Ersson  Waa  Gabar Dhalinyaro ah oo Swedish ah Waxa arinta ay sameyay si Wayn u Hadal Haya  Wargaysyada ugu Waa wayn yurub Gaar ahaan kuwa  ka soo Baxa Sweden iyo Uk , Arinta ay sameysay ayaa ahayd in Gabadhan ay ka soo horjeesato Masaafurin oday  ka soo jeeeda  Afkhanistan kaasi oo dowlada Swedena ay donaysay in ay musaafuriso isla markana diyaarad ka duulaysay  Gothenburg xoog  lagu saaray

Saxaafada Caalamka Gabadhan maxay ka Qoreen Halkan Hoose riix

Gabadhan  aya  si toos ah u la dooday  Sarakiishii  odaygan masaafurinayay  xili diyarada xoog odaga lagu soo saray  ,waxana  gabadhan ay soo gashay  muqaalo facebook live ah iyadoona  sarakiisha  diyaarada  iyo  lamaha amanka  odaygan masafurinayay ay ka qadeen markii hore talefankeeda balse markii danbe loo soo celiyay , goaanka ay qadatay aya aha mid geesimo ku dheehan tahay ,  waxana gabadhan muqaalkeda ka dhax muqday iyadoo aad u ilmeynaysa  isla marana la xanuunsannayay odagyga la masaafurinayo

Ugu Danbeyn arinta ay sameysay gabadha ayaa sabab u noqotay in odaygii la rabay  in afghanistan loo masaafuriyo diyarada laga reebo taasi oo indhaha calamka soo jedatay  dadaalka ay sameysay gabadha ardayada ah ee  reer  sweden

Muqalkedii Live ka ahaa  Halkan hoose  riix kana daawo

Deportation from Gothenburg to Afghanistan

Posted by Elin Ersson on Monday, July 23, 2018

Elin Ersson  Muqaalkeeda  aya waxaa daawatay  in ka Badan 2 milyan oo Qof waxaana  ay  shegaysa in Wadan uu dagaalo ka socdo amankiisa uu san dagneen in qof loo masaafuriyo isagoo qaxooti ah in ay tahay wax ka baxsan sharuucda calami ah ee aduunka ay ku heshiiyen isla markana  xiliyada oo kale aysan habooneen wadan amnigiisa uusan dagneen in si qasab ah loo musaafiyo qof magangalyo doone ah 

Wadamo ay ka mid yihiin Sweden , Austria , Germany aya Boqolaal  qofood oo ka soo jeeda Wadanka Afkhanistan masaafiyay Waxana dhacdadii ugu  xumayd ay dhacday kadib markii  wiil reer  afkhanistan ah ay dowlada germany  masaafiryay  uu isku dal dalay hoteel ka mid ah hoteelkii lagu dajiyay markii dalkiisa dib lagu celiyay arintasi oo dowalda germany si wayn loogu dhaleeceyay

W-Q- Samiir Xasan Adan 

Xafiiska Austria 

 

LEAVE A REPLY