Daawo ;Dhismo iyo Dayactir xogan oo lagu Bilaabay Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo

Daawo ;Dhismo iyo Dayactir xogan oo lagu Bilaabay Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo

0
SHARE

Maamulka Dagmada Gaalkacyo oo maanta bilaabay Dayactirka Wadooyinka qaar ee Gaalkacyo kuwasi oo dhibaatooyin ay ku qabeen darwlada gadiidka iyo dadka shacabka ah.

Duqa dagmada Gaalkacyo Hirsi yuusuf Barre ayaa sheegay in maanta dayactir ay ku bilaabeen wadada aada isbitaalka weyn ee Gaalkacyo.

Waxa  uu tilmaamay in ay muhiimad wayn u leedahay bulshada magaalada dhismaha wadadaasi isla markana   uu maamulka xil wayn iska saaray sidii wax ay uga qaban lahayen burburka wadooyinka  , waxana uu  uu codsaday in cid walba oo qayb ka qadanaysa dhismaha  iyo dayactirka wadooyinkaasi ay  gacmo furan ku soo dhaweynayaan

Wadada  dayactirka lagu bilabay aya ah wadada kaliya ee   magaalada  iyo isbitaalka koonfa magaalada gaalkacyo ee dhanka galmduug toos isugu xiraysa  waana wadadada  aada  dhanka magaalada hobyo

Ugu Danbeyn dadka deganka iyo Ganacsatada ayuu u diray Fariin   Duqa magaalada Gaalkacyo waxana uu ka codsaday in ay qayb wayn ka qaadan dhismaha , dayactirka iyo horumarka deganka si  bilicda  magaalada ay u qurxoonaato

sikasataba magaalada gaalkacyo aya waxa ay leedahay wadooyin aad u waa wayn balse  aan helin dayactir muhiim  waxana xiliyada  roobab ka ay da,aan  wadoyinkaasi   dhax ceegaag  biyo wasaqayn oo  wax badan u dhima caafimadad magaalada  waxana hadii dhismaha iyo  dayactirka wadooyinkaasi lagu guulaysto ay wax badan ka qaban doonan arimo badan o muhiim ah

Wixii Warar ah oo soo kordha Kala Soco Hobyomedia.com

Xafiiska Wararka  Gaalkacyo 

 

LEAVE A REPLY