Daawo Kheyre oo u Yeeray Madax ka kala Socota Galmudug iyo...

Daawo Kheyre oo u Yeeray Madax ka kala Socota Galmudug iyo Puntland Maxase soo kordhay?

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Ra,iisul Wasaraha Soomalia Xasan Cali kheyre ayaa kulan alabaada ay u xiran yihin waxaa uu la wada qaatay Masuuliyiin ka wada tirsan Maamuladada Galmudug iyo Puntland Waxana ay ka Wada Hadleen arimo ku sabsan Nabad galayada Gobalka Mudug gar ahaan Magaalada Gaalkacyo iyadoona  shirkan uu aha mid sadax Geesood ah lagu soo hadal qaaday sidi loo xoojin laha Nabad Galyada Gobalka Mudug

Shirkan aya Waxa ka Wada Soo Qayb Galay Masuuliyinta Maamulada Galmudug u wada Qaabilsan Gaalkacyo , Waa  Duqa Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug Xirsi Yuusuf Bare  iyo Sidoo kale Kan Dhanka Puntland    Duqa magaalada GaalkacyoDhank Puntland  Maxamuud Yaasiin Tumey  Waxana  kulanka inta uu socda  la isku wad afgaratay  in si nabadgalyo ah loo wada shaqeeyo isla markana  la iska wada kaashado sidii hal dhinac looga wada soo horjeesan laha   dadka ka danbeyaa  falalka amni dari ee inta badan ka dhaca  gobalka Mudug

Ra,iiisul Wasare kheyre aya madaxda ka wada socotay Labada dhinac waxa ay hor dhigeen qorshaha nabada  ee tubka toosan ee  gobalka mudug ,  ciidamada isku dhafka ah ee gaalkacyo loo wada sameeyay ,   xalinta dagaalo u dhaxeyay  reer miyiga labada dhinac iyo guulaha laga gaaray  sidi shacabka gobalka mudug ay si wada jir ah uga wada shaqayn lahayen nabada gobalka Mudug

Ugu Danbeyn kulanka aya  waxa uu ku soo dhamaday jawi dagan waxana   ra,iisul wasare kheyre dhankiisa uu balan qaaday in dowlada dhexe ay qayb wayn ka qaadan doonto nabada gobalka mudug , isdhaxgalka bulshada  iyo sidoo kale horumarinta  deganka waxana uu ka codsaday labada dhinac  in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyan nabadgalyada  gobalka

Waa kulankii ugu Horeyay ee nuucan oo kale ah oo ra,iisul Wasaare kheyre uu si ka fool ka fool ah ula yeesho madaxda  labada dhinac si wadajir ah waxana kulankasi laga bixinaya ififaalo wanaagsan

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Hobyomedia.com

 

LEAVE A REPLY