(DAAWO MUQAALKA +Sawiro LA-YAABKA): ): Ninkii Ugu Ciddiyaha Dheeraa Adduunka Oo...

(DAAWO MUQAALKA +Sawiro LA-YAABKA): ): Ninkii Ugu Ciddiyaha Dheeraa Adduunka Oo Laga Jaray, Lana Dhigi Doona Madxafka,

0
SHARE

Nin u dhashay dalka Hindiya oo aaan ciddiyaha iska jarin muddo 66 sanno ayaa waxa ugu dambeyntii lagu guuleystay in laga jaro ciddiyaha Gacmahiisa oo dhererkooda gaaray 77 Hiish (inches).

Ninkaasi oo lagu magacaabo Shridhar Chillal oo 82-jir ah waxa uu qaaday Horyaalka Diiwaan-gelinta La-yaabka Addiinka ee loo yaqaano(The Guinness World Record), iyadoo ciddiyihiisa ugu dheer ay ku yaallaan gacantiisa midig.

Marka ciddiyahiisa oo djam la isku daro waxay dherer ahaan gaareen29ft 10.1in , waana cabir aad  ugu dhow dhererka Basaska ka shaqeeya magaalladda London.

Shridhar Chillal oo ka soo jeeda magaalladda Pune ee dalka Hindiya waxay dhererka ciddiyahiisu bilaabeen inay koraan, markii uu 16-jirka ahaa.

Waxaa la sheegay inay ciddiyihiisu bilaabeen inay koraan sannadkii 1952-kii, kadib, markii  Macallin dhangad ku garaacayey uu si kedis ah uga jebiyey ciddidii ugu dheereyd ciddiyihiisa.

Laga soo bilaabo maalintaas, waxa uu go’aansaday inuusan haba yaraatee iska jarin ciddiyahiisa.

DAAWO MUUQAALKA,    

LEAVE A REPLY