Daawo Sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo Si Maqaaam Sare...

Daawo Sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo Si Maqaaam Sare leh Loogu Soo Dhaweyay Dalka Eriteria

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhaw  Gaaray  magaalada Asmara ee dalka Eriteriya halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho rasmi ah oo qaadaneysa muddo 3 maalmood ah.

Garoonka Diyaaradaha Waxa ku soo Dhaweyay Masuuliyinta ugu Saraysa Dalkaasi   iyoSidoo kale Shacab  ad u farabadan waxana  la  suray Calnka somaliya iyo kan dalkaasi wadooyinka magaalada caasimada

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Asmara waxa uu wada hadallo la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Asias Afawerki, waxaana diiradda lagu saarayaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, nabadgelyada iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

“Labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay wadaagaan xiriir iyo sooyaal fac weyn. Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee maanta ayaa waxay albaabada u fureysaa xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi cusub oo ay yeeshaan labada dal.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxweyanaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo qaar kamid ah la-taliyeyaasha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY