DAAWO SAWIRO CUSUB ; Meydad Hor leh raggii fuliyay weerarkii ka...

DAAWO SAWIRO CUSUB ; Meydad Hor leh raggii fuliyay weerarkii ka dhacay Muqdisho iyo Sida ay ku heleen Dharka Cusub ee Ciidanka Dowlada Somaliya

0
SHARE

HM__Xafiiska Muqdisho –Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa oo maanta ka dhacay meel u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya kaas oo waqti kooban qal qal geliyay xaalada amniga dhamaan xarumaha Dowladda ee ku dhaw Villa Somalia.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa ka hor inta aysan dhicin waxaa la maqlay rasaas badan oo ay fureen Ciidamada Ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo doonayay iney ka hor tagaan qaraxyadaan oo mid ka mid ah Gawaaridii ay saarnaayeen xoog ku soo jiiray Bar-Kontarool oo ku taala Isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa rasaas ku furay Gaari xoog ku soo gudbtay Kontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada ee dhinaca Ceel-gaabta waxaana sidoo kale isla gaarigaasi rasaas kale ka hor keenay Ciidan kale oo ku sugan Al-baabka laga galo Madaxtooyada ee ku aadan kontaroolkii uu soo jiiray, Darawalka Gaariga Qaraxa waday ayaa ku beegmay dhinaca Hotel SYL markii ay rasaas kaga timid hore iyo gadaal, waxa uuna markaas la kulmay rasaas kale oo ay Rideen Ciidamada amaanka waxyar kadibna waxaa rogmaday Gaariga qaraxa waday iyadoo markaasna uu dhacay Qaraxii 1aad oo laga maqlay Inta badan magaalada Muqdisho.

Daqiiqado kadib ayaa la maqlay Qarax kale oo xoog leh kaas oo ka dhacay halkii uu ka soo gudbay Qaraxii 1aad ee Kontaroolka Ceel-gaabta waxaana loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Qarxyo, xaalada ayaa noqotay mid qasan waxaana xigay dagaal kooban oo qaatay ku dhawaad 20 daqiiqo.

Saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta Dowladda ayaa sheegay iney fashiliyeen Weeraro lala damacsanaa Madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay markii laga reebo dhimashada Ragii weerarka Fuliyay.

Wariye ka ´Tirsan Hobyomedia Xafiiska Muqdisho ayaa Sheegay inuu arkay Maydadka laba dagaalame oo la sheegay iney ka mid ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday, ma jirto khasaare dhimasho ah oo la sheegay inuu soo gaaray Ciidamada amaanka iyo dad shacab ah, ha yeeshee warar laga helay Saraakiisha Amaanka ayaa sheegaya inuu jiro dhaawacyo ay qabaan Ciidamo ku sugnaa Kontarool ku yaala Taalada SYL oo ah halka uu ku qarxay Gaarigii hore ee Qaraxa waday.

Al-shabaab ayaa sidaan oo kale Sabtidii hore isla saacadaan weerar ku soo qaaday Xarumo muhiim u ah Dowladda Soomaaliya oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, weerarka todobaadkii hore ayaa ka dhacay Xarumaha Wasaaradaha Amaanka iyo Arimaha Gudaha iyo Taliska Isgaarsiinta Booliiska Soomaaliya oo dhamaantood ku yaala OTA OTA Taalada Siyadka ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY