Daawo Sawirada +Warbixin Barakacayaaal Dhib ay ku Heysato Duleedka Gaalkacyo

Daawo Sawirada +Warbixin Barakacayaaal Dhib ay ku Heysato Duleedka Gaalkacyo

0
SHARE

Waxaa Jira Cabasho Xoogan oo Ka Soo  yeeraysa Qaar Ka Mida Dadka Barakacayaasha ah ee ku Nool Xeryaha ay ku Soo Barakaceen dadkii Ku xoola Beelay Abaarihii Sanad Ka hor ku dhuftay Dalka..

 Xerada Barakayaasha Kulmiye Oo Qiyaastii 28 Km Dhanka galbeed Kaga Beegan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Hada Ka Jira Xaalado Nololeed oo daruufo ku Xeeranyihiin waxaana Kaamkaasi ka Jira Xaalada Caafimaad daro iyadoo ay Gudaha Xeradaasi ku Geeriyoodeen 4 ruux oo Caruur Iyo dad waayeela isugu Jira Kadib Xanuuno Ka Dilaacay Kaamkaasi Sida ay Sheegeen Maamulka Xerada kulmiye.

 

Qaar ka mida wariyayaasha ka howlgala Goballka Mudug Oo Booqday Kaamkaasi ayaa waxay u kuurgaleen Xaalka Nololeed Ee dadka hada ku sugan Xeradaasi..waxaana ugu Hoeryn sida Noloshoodu tahay ka warbixiyay qaar ka mida dadkii aan Kaamkaasi Ay warbaahintu ku Booqatay oo ay Ka mid ahayeen Dad waayeela oo qaarkood ay Cuuryaamiin Yihiin..waxayna Si dareen Leh uga Sheekeeyeen Sida Noloshoodu Hada Tahay waxayna Xuseen in ay Mudo helin wax Kaalmaa Oo Kaga Yimaada Dhanka Hay,adaha Safalka Iyo Maamulka Toona Marka Laga Reebo NGO Lagu Magacaabo WISE.Oo ay Sheegeen In ay Ka heleen Xoogaa Taakulaa,waxayna dadkani Baaq u Direen Masuuliyinta Galmudug Iyo Hay,adaha Samafalka in ay Soo caawiyaan..

 

Dhinaca kale Sucdi Cumar Maxamuud Gudoomiyaha Kaamka Kulmiye ayaa Si Guud U Sharaxday Nolosha Ka Jirta Xerdaasi iyadoo Sheegtay in ay Jiraan dad Xanuuno Kala Duwan ugu Geeriyooday Kaamkaasi..waxayna Sidoo Hay,adaha Samafalka ku Dhaliishay In ay ka Gaabiyeen wax u qabashada dadkani..isla Markaana Waxay Baaq u Dirtay Dhamaan Cid kasta oo wax u qaban karta.

 

 Sucdi Cumar ayaa Sheegtay in ay Dhowr jeer Hay,adaha Samafalka u qeylo Dirsadeen balse aysan wax jawaaba ka helin, Ayna Xiligaan Sugayaan Codsiyo ay u Gudbiyeen Masuuliyinta Maamulka Goballka Iyo Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Iyo Qaar Ka Mida Hay,ada Gar gaarka..

 

Kaamka Kulmiye Oo ay Asaaskiisa Hirgaliyeen Qurba joog ka Soo Jeeda Galmudug Oo ay Hormuud u Ahayeen Gabdha ka irsan Jaaliyada Galmudug Ee Dalka Maraykanka ayaa waxaa Hada ku Nool Boqolaal Qoys oo Qayb Ka Ah Dadkii ku Ceyrtoobay Abaartii Sima Ee Sanadkii Hore Ku dhufatay Guud Ahaan Dalka Soomaaliya,kuwaa oo Kadib Soo Maciin Biday Kaamkaasi..waxayna tahay Waxa Kaliya Ee ay Hada si Toosa u Helaan Biyaha Maadaama Laga Hirgaliyay Ceelbiyood.Hayeeshee waxaa Xeradaasi Barakacayaasha ka jira Hoy,la,aan Qoysas Qaar Haysata Iyo muqula la,aan..Taa Oo Sababta in ay Cuduro ka Dilaacaan.Xiliyada qaar..

 

HOOS KA DAAWO SAWIRADA..CODADKANA DHAWAAN FILO INSHA ALAAH.

 

LEAVE A REPLY