Daawo Sawirada+Warbixin Pasaport Caalami ah oo aad u helaysid...

Daawo Sawirada+Warbixin Pasaport Caalami ah oo aad u helaysid Si Fudud

0
SHARE

Baarlamaanka dalka Masar ayaa dood dheer kadib shalay meel mariyay sharci muran badan dhaliyay oo ku aadan sida dadka ajaaniibta ah ee kunool dalkaasi ku heli karaan Jinsiyada Dalkaasi.

Baarlamaanka ayaa  ansixiyay dhowr qodob oo sharci ah oo uu ku jiro xeer u ogolaanaya dadka ajnabiga ah in ay heli karaan jinsiyadda Masar haddii ay dhigtaan bankiyada dalkaasi lacag dhan $400,000 afar boqol oo kun oo dollar.

Sharcigan ayaa dhigaya in qofka ajnabiga ah uu fursad u helayo inuu noqdo Masri haddii uu akownkiisa bankiyada Masar uu muddo shan sano ah uu dhigto 7 milyan oo giniga Masar ah isla markaana uu muddaaasi daganaado Masar.

Xeerkaan ay meel mariyeen Baarlamaanka dalka Masar ayaa  u baahan inuu saxiixo Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi, waxaana uu noqon doona mid hirgala sharcigan hadii uu Madaxweynaha saxiixo.

Haitham el-Hariri oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Masar ayaa ku eedeeyay dowladda in ay iibineyso dhalashada dalka Masar si ay usoo jiidato maalgeliyaasha ajnabiga ah.

Xeerkan ayaa qeylo-dhaan xoog leh ka dhax dhaliyay gudaha baarlamaanka dalka iyo sidoo kale baraha bulshada, waxaana dadka ay siyaabo kala duwan uga hadlayaan xeerkan la meel mariyay.

LEAVE A REPLY