Daawo Sawiro Tayo leh : Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre Loogu Soo Dhaweeyey...

Daawo Sawiro Tayo leh : Sida Ra’iisul Wasaare Kheyre Loogu Soo Dhaweeyey Garoowe

0
SHARE

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Khayre iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey masuuliyiinta Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”isul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay ku sii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadkan ayaa ka dhacaya magaalada Garowe Waana markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre oo tago Puntland tan iyo intii uu xilka loo magacaabay sanad iyo bar ka hor.

LEAVE A REPLY