Deg deg ah-Galmudug oo ciidan iyo taageero kale u direysa Konfurta Mudug...

Deg deg ah-Galmudug oo ciidan iyo taageero kale u direysa Konfurta Mudug kadib markii Farmaajo u soo diray……

0
SHARE

Dhamaan saraakiisha amniga sida Taliyaha ciidanka nabadsugida qeybtooda galmudug iyo amaan duulaha qeybta 21aad ee XDS wasiir ku xigeenka amniga Galmudug iyo madaxa xukuumada galmudug ayaa kulan gaar ah oo ay dhuusamareeb ku yeesheen ayay ku go’aamiyeen in gacan buuxdo la siiyo dadka reer miyiga ah ee alshabaab kula dagaalamaya wuqooyiga Gobolka Mudug

Isla goobtaa ayaa saraakiisha lagula wareejiyey shixnad isugu jirtay rasaas iyo daawo oo wasaarada Gaashaan dhiga soomaaliya ugu tala gashey dagaaladaasi taasi oo diyaarad siday ay galinkii dambe ee shalaydhuusamareeb soo gaartay

Wararka aya shegaya in ,madaxda ugu saraysa  dalka ay soo amreen sarakiisha ciidanka xooga dalka in ciidamada galmudug ay ka gacan siiyaan dagaal lagu qaado alshabab deganada xarardheere iyo kuwa  kale ee hoos yimaada   si dadka deganka ee shabab la dagalamaya loo garab siiyo

Dhamaan xeryaha ciidamada ayaa laga dareemayaa abaabul dagaal waxaana lafilayaa in ciidamadu u ruuqaan sadaan labo dhinac oo kala ah dhanka mudug oo dagaalku ka socdo iyo dhanka matabaan oo lafilayo in lakala dhex galo beelo isku hor fadhiya

LEAVE A REPLY