DEG DEG:-Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

DEG DEG:-Qarax Gaari Oo Goordhow Ka Dhacay Muqdisho

0
SHARE

War Goordhow soo gaaray  hobyomedia  ayaa waxa uu sheegayaa in qarax gaari uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay Dalsan u sheegeen in uu ahaa mid Gaari nooca raaxada ah loogu xiray qof watay,isla markaana xilli uu marayay agagaarka Xarunta Dahabshiil uu qarxay.

Darawalkii gaariga ayaa la sheegay in uu dhaawac soo agaray kaas oo mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.

Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu jiro,waxana Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hakiyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka

LEAVE A REPLY