Dhageyso Dilal Kala duwan oo ka Dhacay Degano Hoos...

Dhageyso Dilal Kala duwan oo ka Dhacay Degano Hoos Yimada Gaalkacyo

0
SHARE

inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa dhimatay kadib dilal Siyaabo kala duwan uga dhacay 48-saac ee lasoo dhaafay qebo ka mid ah Gobolka Mudug :

DEGMADA WISIL Allaha Unaxariistee Xabeeb yare oo Askari ka tirsanaa ciidanka galmudug gaar ahaan qeybta daraawiishta ayaa u geeryooday Rasaas uu ku furay mid ka mid ah isla ciidanka galmudug.

goobjooge ayaa sheegaya in dilka ka hor muran uu dhex maray labadan askari walow aan si dhab ah loo Xaqiijin sababta  Balse Saraakiisha galmudug ayaa  Warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglaha xabsina la dhigay baaritaana ay wadaan.

DegankaXAAR-XAAR ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo  Nin dhalinyaro ah oo aana magaciisa helin ayaa lagu dilay deegaanka xaar-xaar ee duleedka bari gaalkacyo goob joogayaal ayaa sheegay in ka hor dilka ninka dhintay iyo kan dilay isku qabsadeen cabirka dhul banaan walow aan la xaqiijin jiritaanka arintaas ciidanka amaanka galmudug ayaana baadi goobaya qofkaasi dilka geystay

Halkaan hoose kadhageyso, 

LEAVE A REPLY