Dhageyso Faah faahintii u Danbeysay galmudug kudhawaad 35 ruux oo isbitalada...

Dhageyso Faah faahintii u Danbeysay galmudug kudhawaad 35 ruux oo isbitalada ladhigay iyo warar sheegay

0
SHARE

Guddoomiyaha degaanka Xanan Buurre ee gobalka Galgaduud Cali Xaashi Faarax  oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay Dad la sheegay in ay ku sumoobeen caano ay cabeen.

Waxaa uu Sheegay gudomiyaha in dadka ku sumoobay caanaha ay gaarayaan ku dhawaad 50 ruux, isagoona xusay in dadkaasi badankooda la geeyay isbitaalada ku yaala degaanka Xanan Buurre ee waqooyiga Magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud.

Sidoo kale Waxaa uu Tilmaamay in xiligan xaalada Dadka ay soo hagaageyso, islamarkaana dhaqaatiirta ay la tacaaleen sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha ayaa  Sheegay in hada ay soconayaan dadaalo wax looga qabanayo dadka ku sumoobay caanaha ay cabeen.

Hoos ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY