DHAGEYSO: Salaad Cali Jeelle oo Sir kashifay“Shaqsiyaad dowlada ka mid ah ayaa...

DHAGEYSO: Salaad Cali Jeelle oo Sir kashifay“Shaqsiyaad dowlada ka mid ah ayaa fududeeya Qaraxyada Shabaab”

0
SHARE

Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Waxaa uu Sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan dowlada Soomaaliya ay Al-Shabaab u fududeeyaan qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalada Muqdisho iyo gobalada.

Siyaasiga ma sheegin magacyada Shaqsiyaad ka ka tirsan dowlada,balse waxaa uu ifiyay in ay jiraan dadka ku lug leh fududeynta qaraxyada iyo weerada dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka geystaan dalka.

Sidioo kale waxaa uu tilmaamay in dadka xogta siiya Al-shabaab ay jiraan,isagoona tusaale u soo qaatay jidadka ay mararka qaar ay xirto dowlada soomaaliya,islamarkaana ay hadana dhacaan qaraxyada iyo weerarada tooska ay Al-shabaab ka fuliyaan dalka,taasi ayuu ku sheegay in ay tahay mid aad loogu xumaado.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa sidoo kale waxaa uu odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay la shaqeeyeen dowlada federaalka Soomaaliya,islamarkaana ay taageeran dowlada,si buu yiri looga adkaado Al-Shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

LEAVE A REPLY