Dhageyso Shabaab oo Weerar kale oo Xoogan ka Gaystay Gobalka Mudug...

Dhageyso Shabaab oo Weerar kale oo Xoogan ka Gaystay Gobalka Mudug , Tirada Dhimashada oo Gaartay …

0
SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa rag hubeysan oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo xalay Gaadiid ay ku rasaaseeyeen deegaan duleedka ka ah degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug  , Waxana Weerarkan uu Dhacay Habeenkii xalay ahaa

Gaadiidkaan oo ay saarnaayeen dad Shacab ah ayaa xilliga la rasaaseynayey waxa ay marayeen inta u dhaxeysa deegaanada Caad iyo Camaara ee gobolka Mudug sida ay  hobyomedia u sheegeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Weli wax faah faahin ah lagama bixin sababta keentay in Al-Shabaab ay rasaaseeyeen Gaadiidka ay saarnaayeen dadka Shacabka ah,balse waxaa uu ku soo aadayaa xilli dagaal culus uu shalay deegaanka Caad uu ku dhexmaray Al-Shabaab iyo dad Shacab ah,ka dib khilaaf soo kala dhexgalay.

Saraakiisha Ciidamada ee Maamulka Gal,mudug weli wax faah faahin ah kama bixin rasaasta lagu furay xalay fiidkii Gaadidika ay wateen dadka Shacabka ah

LEAVE A REPLY