Madaxda Galmudug oo Wali Muqdisho lagu dhax dhaxadinayo, iyo War Cusub oo...

Madaxda Galmudug oo Wali Muqdisho lagu dhax dhaxadinayo, iyo War Cusub oo Soo Kordhay

0
SHARE

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug kuwaasi oo Khilaaf yar Maalmahan ka dhex taagnaa.

Wararka ugu danbeeyay warbaahinta  ayaa sheegaya in wali uusan furmin wada hadalka labada dhinac waxaana maalmahan jira Mashquul dhanka Dowlada oo dooneysa in ay dhex dhexaadiso.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug uu doonaya in aan dib loogu laaban heshiiska Galmudug iyo ahlu-suna halka madaxda kale ay dhankooda rabaan in Qodobada qaar lagu laabto.

Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug iyo Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa u muuqda kuwa aanan helin qorshahooda ahaa in khilaafka uu gaaro meel sare isla markana la buun buuniyo.

Dhanka dowlada Somaliya oo khilaafka ku lug leh ayaa geesta kale waxay iska dhigeysa mid dooneysa in Xaalada la dajiyo inkastoo siyaasiyiin qaarkood ay sheegeen in Khilaafka wax ka ogtahay.

LEAVE A REPLY