Madaxweyne Farmajo iyo kheyre oo loo Balan Qaday Hub Casri ah ,...

Madaxweyne Farmajo iyo kheyre oo loo Balan Qaday Hub Casri ah , Dowladese Bixinaysa (Xog Xasaasi ah )

0
SHARE

Warar aan helnay ayaa ku waramaya in Dowladda Itoobiya qorsheyneyso in hub nuucyo kala duwan ah u gacan geliso Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo lagula dagaalamayo Kooxda Al-Shabaab.

Mid ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayaa inoo xaqiijiyay warkaan,wuxuuna carabka ku adkeeyay in hubkaasi awood u siinayo Dowladda iney isaga difaacdo Mucaaradka ku kacsan iyo Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay in Qodobada Heshiiska ee Warbaahinta loo soo bandhigay aan lagu soo darin,wuxuuna hadalkiisa intaasi ku daray in la doonayo in la marin habaabiyo Ummadda Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo uusan soo bandhigin nuucyada hubka iyo waqtiga iyo halka loo soo marsiinayo ayaa hadana wuxuu kalsooni daro ka muujiyay halka hubkaasi ay ku danbeyn doonaan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo dhawaan yimid Muqdisho ayaa heshiis qodobo badan ka kooban la saxiixday madaxweynaha Soomaaliya,Heshiiskaasina waxaa qeyb ka ah afar dekad oo maalgashi ay ku sameysato Itoobiya.

Xeel dheerayaasha siyaasadda ayaa shaki geliyay in iskaashi lala sameeyo Dowladda Itoobiya oo la ogyahay wixii Soomaaliya kala dhaxeeyay.

LEAVE A REPLY