Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ku wajahan Garowe

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo ku wajahan Garowe

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow u amba bixi doona Magaalooyinka Garowe iyo sidoo kale Magaalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Wafdi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tagi doona Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, waxaana halkaasi uu ka dhagax dhigi doonaa Mashaariic loogu tala galay in Puntland lagu hormariyo.

Waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doonaa Xafladda Sanadguuradii kasoo wareegatay Markii la Aas Aasay Maamulka Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta Booqasho taariikhi ah ku tagi doona Magaalada Asmara ee dalka Eratrea.

Waxaa ay booqashadiisa qaadan doontaa 3 maalin, waxaana uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa Madaxda dalkaasi.

Farmaajo waxaa uu noqon doona Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee dalka Eratrea tagga, Soomaaliya iyo Eratrea kama dhaxeeyo xiriir wanaagsan.

LEAVE A REPLY