Sarakiisha Galmudug oo Kulan Dag dag ah ka yeeshay Dagaalka Shabab ay...

Sarakiisha Galmudug oo Kulan Dag dag ah ka yeeshay Dagaalka Shabab ay ka bilaben Deganada Galmudug iyago go,aan ku gaaray ………..

0
SHARE

Saraakiisha amniga ee maamulka Galmudug, Wasiiro, Madaxa Xukumadda Galmudug iyo xubno kale ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga hadleyn dagaalka ka taagan deegaanka Caad ee gobolka Mudug una dhaxeeya dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Kulanka oo ka dhacay magaalo madaxda maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb ayaa waxaan leysku raacay in gacan buuxda la siiyo dadka reer miyiga ah ee la dagaalamaya kooxda Al-shabaab.

Sida uu soo warinayo Wariyaha Idaacada Kulmiye ee magaalada Dhuusa-mareeb Saraakiisha amniga ee kulankaas ka qeyb galay ayaa lagu wareejiyay Shixnad isugu jirtay Rasaas iyo Dawo oo la sheegay in Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay ugu tala gashay in lagu wareejiyo dadka reer miyiga ah ee la gaalamaya Al-shabaab.

Deegaanada maamulka Galmudug ee gacanta ugu jiro maamulka ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo ku aadan sidii Ciidamada ay ugu gurman la hayeen dadka deegaanka ee la dagaalamaya Al-shabaab.

LEAVE A REPLY