Shirka Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Furmay Brussels iyo Madaxweyne Xaaf...

Shirka Looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Oo Ka Furmay Brussels iyo Madaxweyne Xaaf oo Madasha Ku Sugan

0
SHARE

Waxaa Maanta Magalada Brussels ee Wadanka Belgium-ka  ka furmay Shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya,kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax aad u farabadan.

Shirkaas waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha dibada Sweden,waxana goobjoog ka ah Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Soomaaliya,Xildhibaano,Madaxda Dowlad goboleedyad, iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa goobjog ka ah  xubno ka socda Dowladaha taageeradda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale.

Qodbada ugu muhiimsan ee shirkaas looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyo qodobo kale.

Shirweynaha ayaa waxa uu socon doonaa mudo laba Maalin ah,waxana gaba gabada laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku saabsan qodobadii ka soo baxay kulankaas.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka  Magalada Brussels ee Wadanka Belgium.

LEAVE A REPLY