Taliska Nabadsugida Galmudug ee Gaalkacyo oo Wariye u Xirna Shan maalin Jirdil...

Taliska Nabadsugida Galmudug ee Gaalkacyo oo Wariye u Xirna Shan maalin Jirdil iyo Handad Kadib Xabsiga ka Siidayay

0
SHARE

HM__Xafiiska  Gaalkacyo Wariyiha VOA Ee Mudug iyo Galgaduud oo muddo 5Maalin ah uu Galmudug uxirnaa  Nabadsigida Galmudug ee Gaalkacyo aya   Xoriyadiisii Helay.

Wariye Abdiwahid Moalim Isak Wakiil Wareedka Laanta Afka Soomaaiga VOA ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa dib xoriyaddiisii uhelay kadib muddo 5cisho ah oo uu ku jiray xabsi gaalkacyo ay ku leeyihiin Hay’addda Nabad Sugidda iyo Sir doonka Qaranka Soomaaliya ee(NISSA)Qeybta ka hawl gasha galmudug.

Wariyaal ka Tirsan Kuwa ka Hawlgala aya Hobyomedia.com u Shegay in Taliska nabadsugida  Galmudug ay jirdil iyo Handadad isugu Dareen Mudadii uu u xirna Wariyaha Waxana  wararka ay shegayan in Wariyaha  iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin lana Horgeyn wax maxkamad ah la iska  siidayay  isla mar´kana loo shegay in uusan  ka hadlin mar danbe hawulgalada  shabab ay ka wadan koonfurta mudug

Mid Ka Mida Wariyaasha ugu Tagay  Taliska nabad sugida ayaa hobyomedia u shegay sidan

“` Markan u tagnay wuu xirna waxaa  loogu hanjabay  in xabsiga lagu sii hayn doono ,shekada  lagu haysto aya waxa ay u egayd mid qaab qabiil ah lagula dhaqmayay madama lo shegay in uusan arimahan uu san ka hadlin iyado la dhahayay uma adan dhalan degankan maxad  arintan faraha ku soo galiyay    “

Sarakiisha Lamaha Amaanka Booliska, iyo nadsugida Galmudug ee Gaalkacyo aya lagu eedeya in ay Wariyaasha Gaalkacyo si qaldan ula dhaqman mararka qaarna  waxa si toos ah loo hor istaga saxaafada in ay gutan wajibadkooda shaqo si dadka deganka ay xog ugu soo gudbiyaan

Waxa jira Wariyaal badan oo  loo hanjabay  sidan oo kale iyago loo shegay in aysan jiri doonin cid u dooda madama deganada ay ka shaqeeyan aysan ka soo jeedin , ficilada nucan oo kale ah aya muujinaya danbiyo ka dhan ah   xaquuqul insaaanka

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa iney kaaliamaha hore ugu  jirto dhibaabteynta Wariyaasha ka haw gala muqdisho oo qeybo ka mid ah dawladda soomaaliya maamusho iyo gobolada dalka ee ay ay ka jiraan maamul goboleedyada xubinta ka ah dawladda dhexe.

Warbaahin ka Hadasha Xogta  iyo Xaqiiqda Dhabta ah 

Ku Xirnow Markas Hobyomedia.com

 

LEAVE A REPLY