War Dag Dag ah Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay...

War Dag Dag ah Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay ……….

0
SHARE

Ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay nin Saacaddihii lasoo dhaafay Xaaskiisa ku dilay degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Falkaan ayaa dhacay xalay sidda ay sheegeen  dadka degaanka, waxaana ninkaasi uu dilay Xaaskiisa oo umul aheyd.

Gudoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamed ayaa  Hobyomedia u sheegay in hadda ay baaris ku waddaan ninka falkaan geystay, waxaana uu sheegay in ay aad uga naxeen.

Gudoomiyaha waxaa uu sidoo kale xusay in ninkaan uusan aheyn nin Madaxa looga jiro,islamarkaana xaaska uu dilay ay horay ugu dhashay 4 cunug.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay ninkaasi soo qabteen, haddana ay u waddaan baaritaano.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in hadda uu socdo kulan ay leeyihiin waxgaradka degmada oo lagu xalinaayo falka dhacay oo dadka degaanka ay aad uga naxeen.

LEAVE A REPLY