War Dag Dag ah Al-Shabaab Oo War Ka Soo Saaray Dagaalkii...

War Dag Dag ah Al-Shabaab Oo War Ka Soo Saaray Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Mudug

0
SHARE

HM` Xafiska Cadaado Xarakada Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal xoogan oo saakay aroortii ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internt-ka ayaa waxa ay kaga hadleen dagaalkaasi oo ka dhacay deegaanka Caad ee gobolkaasi.

Waxaana ay sheegeen in ay ka hortageen weerar ay ku soo qaadeen Ciidamada maamulka Galmudug.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 15 askari oo uu ku jiro sarkaal ay magaciisa ku soo koobeen Goobe Gurey, sida ay hadalka u digeen.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dagaalyahannadoodda ku sugan Caad ay difaaceen gacan ku heynta deegaanakaasi.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalkasi.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in Galmudug Ciidamada dheeraad ay u dirtay deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaqyo iska soo horjeed laga daareemayo koonfurta gobolka Mudug.

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco

Xafiiska Wararka Hobyomedia ee Cadaado 

LEAVE A REPLY