Weerar Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Dhanka Galmudug , Warkii u...

Weerar Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Dhanka Galmudug , Warkii u Danbeyay ee Goordhaw na Soo Gaaray

0
SHARE

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil iyo dhaawac dad Shacba ah saakay loogu geystay Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Koox hubeysan ayaa rasaas ku furey Gaari qaad siday,waxana sida la sheegay rasaastaas ku dhaawacmay qof Shacab ah.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegayaa in sidoo kale rag hubeysan ay Magalada Gaalkacyo ku dileyn qof Shacab ah,oo ka mid ahaa dadka magalada Balse ay gacanta ku dhigeyn Ciidamada Dowladda Soomaaliya qaybta gobolka Gobolka Mudug mid kamid ah Ragii saaka wadooyinka u galay Gadiidka kuna dhawacay shacabka.

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka howlgalla Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka soomaaliya oo halkaasi la geeyey ka dib markii ay soo noq noqdeen dagaalada dhex mara laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Maamulka Magalada Gaalkacyo weli wax faah  faahin ah dhankooda kama bixin dilkaas iyo dhaawacaas saakay Gaalkacyo loogu geystay dad Shacabnka ahaa.

LEAVE A REPLY