Xil Magacaabis :-Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo...

Xil Magacaabis :-Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo Magacabaay Afhayeenka Gobolka Banaadir

0
SHARE

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Saalax Xasan Cumar ugu magacaabay xilka Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ahna Agaasimaha Warbaahinta Gobolka.

Warqadan ayaa waxaa la ogeysiiyay Guddoomiye ku-xigeenada Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar faray inay dhameystiraan xeerkan fulintiisa, si shaqada ay u socoto.

Masuulkan cusub ayaa hada hayay xilka Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada gobolka Banaadir, wuxuu xilka kala wareegayaa Afhayeenkii hore C/fataax Cumar Xalane oo hada ah Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud ee Dowladda Hoose.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir:- 

 

LEAVE A REPLY