XOG: Axmed Madoobe oo wada Abaabul ka dhan Dowlada Madaxweyne Farmaajo

XOG: Axmed Madoobe oo wada Abaabul ka dhan Dowlada Madaxweyne Farmaajo

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Saxaafada  ayaa sheegaya in Madaxaweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qorsheynayo in Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay qeyb kala noqdaan dagaalka uu la galayo Dowlada uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ku sugan dalka Sweden ayaa balanqaaday in isla xisaabtan uu u bilaaban doono Madaxda Dowlad Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ka dib shirkii Brussels.

Shirka Brussels wuxuu sii xumeeyay xiriirkii liitay ee u dhaxeeyay Dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada, waxaana Shacabka Soomaaliyeed ay ka walwalsan yihiin dagaalka cusub ee ka dhex bilowday.

Axmed Madoobe ayaa wada qorshe Dowlad Federaalka looga madax banaaneenayo Deeqaha Beesha Caalamka gaar ahaan qoondada loogu tala galay Maamul Gobaleedyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Shir weyne ay isugu imaan doonaan Madaxda maamul gobaleedyada ay go’aano kasoo horjeeda dowlada dhexe kusoo saari doonaan.

Sidoo kale Madoobe ayaa ka careysan Abaabulka Mucaaradka kasoo horjeeda maamulkiisa Jubbaland ay ka wadaan Muqdisho iyo Magaalooyin kale, isagoo si gaara Madaxweyne Farmaajo ugu eedeynayo inuu Shaqsiyaad beeshiisa ah la doonayo Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.