Xog Culus Akhriso Magacyada Sarakiisha Galmudug Dagalkii Shabab Koonfurta Mudug lagula...

Xog Culus Akhriso Magacyada Sarakiisha Galmudug Dagalkii Shabab Koonfurta Mudug lagula galay ku dhintay iyo Sarakiisha Galmudug oo Xaqijiyay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Dagaalkii ka Dhacay Deganada u dhaw Dhaw Deganka Caaad Waxaa Halkaasi ka Dhacay Dagaalo socday Mudo Sadax Maalin ah iyadoona Dagaalka markii hore uu ku Bilowday Mid u dhaxeyay Dadka Deganka iyo Sidoo kale  Kooxda Alshabab  waxana ugu Danbeyn dagaalka ka qayb galay Ciidamo ka Socad kuwa Galmdug oo marki danbe gadaal  uga soo biiray

inkastoo Warbahinta Galmudug loo diiday in ay Si faah faahsan uga hadlaan Dagalkaasi isla markana Warbahinta gudaha aysan  soo hadal qaadin dhibatada shabab ay ka geysteen degankaasi aya waxa soo ifbaxaya  qasaaro la shegayo in dhanka Galmudug dagaalkaasi uu ka soo gaaray

Sarakiil ka tirsan Galmudug oo ay hobyomedia.com la xariitay aya shegay in ay jiran ciidan dhanka galmudug dagaalkaasi uga dhintay inkastoo sarakiisha qaarkood aan uga gaabsanay in aan qorno magacooda arimo la xariira amaankooda

Waxa ay sarakiisha shegeen in ay jiran ciidan ka tirsana dadka deganka oo u qorna ciidan ahaan in dagaalka ay ku dhinten iyadoo sidoo kalena shegay in ay jiran ciidan kale kuwa dagaalka gadaal uga biiray in ay ka soo gaartay waxyelo dagaalkaasi

Akhriso Magacyada Magacyada Ciidanka galmudug dagaalka loga Dilay

1: Maxamed Nuur Jamac

2: Cali  barsame 

3: Mohamed  Gelle

4: Goobe Gurey

5;Sadaq  roobow Ahmed

6: Nuunow Qoje Cali

7: Xasan Rasmiir 

Waa Qayb Ka mida Magacyada Ciidanka Galmudug Dagalkii ka dhacay Koonfurta Gobalka Mudug ee lala Galay Shabab looga Dilay Waxana tirada Ciidankaasi  Warhinta Hobyomedia u shegay sarakiil ka tisan Lamaha Amaanka Galmudug oo diiday in Magacooda la  baahiyo

Warar lagu kalsoon yahay aya shegay in tirada dadkaasi ay qayb ka yihiin dadka deganka oo ciidan ahaan iyagoo abaabulan ugu qorna fgalmudug waxana sidoo kale jira ilo inta ka madax banan oo shegaya in tirada dadka ku dhintay  marka la isku daro  ciidanka iyo dadkii deganka dagaalka ka qayb galay in intaasi ay ka badan yihin.

Ma jiro warar inta ka baxsan oo dhanka galmudug ka soo baxay ee ku adan tirada  dadka galmudug dagaalka uga dhimatay ama uga dhawacantay balse warbaahinta alshabab oo dagaalkaasi ka hadlay waxa ay shegeen in dagaalka ay ku dhinteen ku dahwaad 25 askari oo ka mid ahaa ciidanka Maamulka galmudug

Sikastaba ha ahaate  arintan waxa ay ku soo  beegmaysa Xili Alshabab ay isku sii balarinayan deganada dhaca Koonfurta Gobalka Mudug iyadoo mudooyin badan maamulayay qaybo ka mida degankaasi

Wxii Warar ah oo soo kordha kala Soco Hobyomeda.com

LEAVE A REPLY