XOG CUSUB MAXAA KA JIRA : Al shabaab oo laga Joojiyay...

XOG CUSUB MAXAA KA JIRA : Al shabaab oo laga Joojiyay Lacagihii iyo Hubkii la siin jiray, Ogow Sababta?

0
SHARE

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa Wakaalada Warqaad.com u sheegay inay heleen xog hoose oo ku aadan Khilaafka Madaxda Al shabaab uu sababay in Dhaqaalaha ay ka jartaan Wadamo taageero u fidin jiray oo ay ka mid tahay Dowlada Iiraan.

Iiraan ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay taageerto Al shabaab oo dhaqaale iyo Hub ay ka caawiso si ay ula dagaalamaan Dowlada Soomaaliya.

Tan iyo markii la sheegay inay aad u liidato Xaalada caafimaad ee Amiirka Al shabaab Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu Cubeyda waxaa soo ifbaxay Khilaaf xoog leh oo ka dhaxeeya Masuuliyiinta ku xigeenka u ahaa kuwaasoo isku heysta cida bedeleysa Hoggaamiyaha.

Dowlada Iiraan ayaa ku xirtay taageerada ay kooxda siineyso marka isku feker noqdaan oo ay kasoo gudbaan khilaafaadka hoose ee u dhaxeeya, waxaanse la ogeyn cidda kooxda hoggaamin doonto hadii ay dhab noqoto inuu geeriyooday Amiirka Kooxda.

Si kastaba ha ahaatee Dhaqaalaha iyo Saanada Militari ee Iiraan ay ka jaratay Al shabaab waxay yareyn doontaa weerarada ay ku qaadaan xarumaha dowlada maadaama la sheegay waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo in ay u soo daabuli jirtay Iiraan.

LEAVE A REPLY