XOG: Dagaal Qaraar oo ka dhex taagan Xildhibaano iyo Qaar ka mid...

XOG: Dagaal Qaraar oo ka dhex taagan Xildhibaano iyo Qaar ka mid Wasiirada Kheyre

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso   warbaahinta  ayaa sheegaya in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ka codsadeen inuu xadido awooda iyo faragalinta ay wadaan qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirada.

Waxaa dib usoo baxaya dagaal kale oo qaraar kaasoo ka dhex socda Xildhibaanada iyo Wasiiradda waxay mar kale horseedi kartaa marka uu Kalfadhiga Baarlamaanka in culeysyo kale ay wajahdo Xukuumadda Kheyre maadaama Xildhibaano badan ay abaabul wadaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadan oo Ra’iisul wasaaraha u qoray Warqad cabasho ah ayaa ku sheegay in Wasiir Jamaal uu ka hor istaagay qorsheyaal dhowr ah oo ay ka lahaayeen Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo shaqadiisa aysan aheyn inuu soo fara gashto arrimo ku saabsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Jamaal waxay saaxiibo dhow yihiin Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana uu awood siyaasadeed oo fiican ku leeyahay howlaha ay wado Dowlada Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale Kheyre ka codsaday inuu ka dhabeeyo balanqaadkii uu sameeyay ee ahaa inuu la xisaabtamayo wasiirada, iyagoona sheegay in arrimaha uu wado Wasiir Jamaal inay keeni karto inuu soo laabto dagaalkii u dhaxeeyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya

LEAVE A REPLY