Xog : Dagalka Konfurta Mudug , Dabacsanaanta Lamaha Amanka Gobalka Mudug e...

Xog : Dagalka Konfurta Mudug , Dabacsanaanta Lamaha Amanka Gobalka Mudug e Galmdug iyo Sababta Sarakiisha ay u diiden in Qasaraha Dhanka Galmudug la Shaaciyo

0
SHARE

Sida aan la Wada Socono Dagaalo Qaraar oo Socday Mudo Sadax Maalmood ah aya Waxa ay ka Socden Dhulka Miyiga Koonfurta Gobalka Mudug Waxana Dagaalkasi Markii Hore uu u dhaxeayay Dadka Deganka oo is Abaabulay iyo Sidoo kale Xarakada alshaba  Balse Dagaalka aya Waji kale yeeshay Labadii Maalmood ee u danebyay  kadib markii Ciidamada Amaanka Galmudug ay dagaalka ku soo bireen Waxana arintaasi saxafada u shegay in dagaalka ay ka Qayb Galeen Dhanka ´Galmudug Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka galmudug.

Hadaba Dagalka Warbaahinta Ayaan si fiican uga Hadlin Qasraha ka Dhashay Waxana Dhanka Galmudug ay shegeen in Dagaalka ay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux dhawacyona ay jiraan iyadona dadka dhintay lagu shegqay  in ahaayen shabakii weerarki soo qaaday iyo sido kale dadka deganka oo labo qof ay ka dhinten waa sida dhanka Galmudug ay shegeen

Warbahinta Deganada Galmudug aya loo diiday in ay si faah faaahsan uga  hadlan qasaraha dagaalka   ka soo gaaray dhanka galmdug waxana wariyaasha iyo warbahinta maxaliga gaar ahan kuwa ka hawulgala gobalka mudug sida idaacadaha laga  hor istagay in dhacdadaasi ay ka hadlaan

Sidee Wax u dhaceen ?

Dgaalka waxa uu aha mid hubka nucyadiisa kala duwan la isku adeegsday waxana uu  bilowday markii shabab ay ku soo durqeen dhul ay dagan beelo ku abtirsada dhanka maamulka galmudug waxana reer miyiga deganadaasi oo is aruursaday ay iska caabiyen weerar dhanka shabab ay soo qaaden , melaha sida toos ah la isku farasaaray ee dagaalka uu ka dhacay aya waxa ka mida degaanka caad duledkeeda halkaasi oo dagaal qarar uu ka dhacay .

Kadib Dadka deganka oo qaylo dhan dirsaday aya waxa halkasi gaaray  maleeshiyo hubaysan oo ciidan ah kuwaasi oo ciidan ahaan ka tirsan galmudug balse ka soo jeda deganka lagu dagalamayay waxana ay  garab siiyen reer miyiga deganka.

Galmudug qasaraha ka soo garay maxa loo diiday yase horistagay  wariyaasha gobalka mudug .

Lama cadayn karo sababta galmudug ay u diiday in laga hadlo qasaraha  dagaalka ka soo gaaray balse warar lagu kalsoon yahay o  ay heshay hobyomedia aya shegaya in dhanka galmudug uu jiro qasaaro dagaalka ka soo garay , inkastoo  la baahiyay in dagaalka  dhanka galmudug looga dilay ku dhawaad  20 askari  hadana ma jirto warar lagu kalsoon yhay oo cadaynaya tiradaasi , dhanka shaba  aya  shegay in sarakiil iyo ciidamo ay dagalka ku dilen , qaar ka mida wariyasha gobalka mudug gaar ahan wariyaha voa  uga warama gaalkacyo oo baaris sameyay aya website  uu leeyahay waxa uu ku dabacay in uu jiro qasaaro kudhaw   tobaneeyo ruux oo ciidan ah oo galmudug dagaalka looga dilay balse warka marka uu dabacay aya la xiray wariyaha saaka  waabarigi xiliga saacada somaliya waxana loo dhaadhicyay xabsiga koonfurta magaalda Gaalkacyo

Saraakiisha Booiliska ,Nabadsugida iyo daraawiishta Gobalka mudg aya isku dayaya  in ay warbaahinta cadaadiyaan si aysan uga hadlin qasaraha dagaalkaasi , iyadoo wali deganada lagu dagalamayay iyo deganada u dhaw dhaw ay u soo qaylo dhan dirsaden lamaha amaanka gobalka mudug iyagoo weerar ka baqaya codsanayana in ciidamo loo soo diro balse wali dhanka sarakiisha wax  talabo ah oo ay qaden ma jirto

Wixii Warar ah arintaasi ku saabsan isha Ku haay Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY