XOG: Qatar oo DF u Balanqaaday Qorshe Cusub oo lagula Dagaalamayo Mucaaradka...

XOG: Qatar oo DF u Balanqaaday Qorshe Cusub oo lagula Dagaalamayo Mucaaradka Dowlada Somaliya

0
SHARE

Warar hoose oo Madaxtooyada Soomaaliya ay ka heshay  Warbaahinta ayaa sheegeysa in Dowlada Qatar ay balanqaaday inay sii laba jibaareyso Dhaqaalaha ay ku taageereyso dowlada Soomaaliya si looga guuleysto mucaaradka.

Xiriirka ka dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa aad u sii xumaaday, iyadoo Dowlada Imaaraadka ay joojisay Kaalmadii iyo Tababarkii ay siineysay Ciidamada Soomaaliya.

Dowlada Qatar ayaa amaantay hab dhaqanka dowlada Soomaaliya ay kaga hortagtay qatarta Imaaraadka Carabta la doonayay Soomaaliya, iyadoo taas bedelkeed ku abaal marineysa Lacago aad u badan iyo Mashaariic hormarineed si ay ugu jabiso Imaaraadka.

Dagaal xoogan ayaa ka dhaxeeya Dowlada Qatar iyo Xulufada Imaaraadka, Soomaaliyana waxay uga mid tahay dalalka ay kusoo bandhigaan awoodooda siyaasadeed, iyagoo kala jiitay Madaxda dowlada iyo Mucaaradka.

Kulankan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo Qatar ay ku balanqaaday Dhaqaalaha waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Dowlada, oo iyaguna soo dhaweeyay Balanqaadkan, sidoo kalena Qatar kaga mahad celiyay Mashaariicda ay ka wado Soomaaliya.

Wasiirka arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan wada hadalo lagu doonayo in loo soo celiyo Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY