XOG: Sarakiisha Shabab oo is haya ,Fu’aad Shoongale & Ciidamo uu...

XOG: Sarakiisha Shabab oo is haya ,Fu’aad Shoongale & Ciidamo uu wato oo baxsad ah iyo Mahad Karataay oo ku daba jira

0
SHARE

Illo Xog ogaal ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in Sheikh Fu’aad Shoongale oo ka mid ah Saraakiisha ugu sar sareysa Al-Shabaab uu baxsad yahay ka dib markii is afgaran waa uu soo kala dhex galay Saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in Sheikh Fu’aad iyo Ciidamo badan oo uu horkacayo ay soo galeen Gobolka Shabeellaha hoose halkaasi ay ku dhuumaaleysanayaan,waxaana saraakiisha haatan Khilaafka uu kala dhaxeeyo la sheegay inuu ka mid yahay Mahad Karataay.

Garab uu Hogaan u yahay Mahad Karataay ayaa doonaya iney hogaanka Al-Shabaab la wareegaan,xilli soo baxayaan warar aan la hubin oo sheegaya inuu xanuun u geeriyooday Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Saraakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Labadan mas’uul oo haddii ay is khilaafaan dhibaato hor leh iyo dhabar jab ku ah Al-Shabaab iyo hamigooda dagaal.

Ururka Al-Shabaab ayaa Qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhibaatada ugu xoogan ay ka soo gaarto dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY