Xog Wafdi ka Socda Dowlada Qadar oo ku Wajahan Magaalada Hobyo

Xog Wafdi ka Socda Dowlada Qadar oo ku Wajahan Magaalada Hobyo

0
SHARE
Ilo wareedyo Lagu kalsoonaan karo ayaa oo ay heshay warbaahinta Hobyo Media Online aya sheegaya in wafdi heer caalami ah oo kasocda Dawladda Qadar ay ku soo wajahan yihiin Magaalo Xeebeedka Hobyo Gobolka Mudug ee Galmudug.
Wafdigaan ayaa ah kuwo qorshahoodu yahay qiimeynta dhismaha dekadda hobyo ayna kusocdaan casumaad kaga timid dhanka madaxda galmudug gaar ahaan madaxweyne axmed ducaale geelle xaaf inkasta oo ka hadalka arinkan ay ka gaabsadeen madaxtooyada galmudug.
Qorshaha aya waxa uu yahay in wafdigan ay hobyo gaaraan maalinimada arbacada waxana degankaasi gaaray saraakiil ciidan iyo sidoo kale xibno ka socda lamaha amanka iyadoona amaanka degankaasi si wayn loo sugayo.
Magaalo xeebeedka hobyo waxaa saacadihii ugu danbeeyay gaaray wafuud iskugu jira masuuliyiin galmudug ah iyo ganacsato soomaaliyeed waxaana hobyo laga dareemayaa diyaar garowga wafdiga dawladda qadar,
madaxda galmudug,xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dawladda fedaralka soomaaliya sidaas waxaa xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada hobyo ee galmudug.
W/Q/Abdalle Mohamed Abdulle
Hobyo Media Online Xaafiiska Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY