Akhriso:-Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee NISA Oo Xil Cusub Loo Magacaabey ...

Akhriso:-Taliye Ku Xigeenkii Hore Ee NISA Oo Xil Cusub Loo Magacaabey iyo Xogta ku hoos Duugan arintaasi

0
SHARE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta oo Sabti ah u Magacaabay xil Cusub Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Jaamac”

Wareegto ka soo baxday Xafiiska guddoomiye Mursal ayaa waxaa loogu Magacaabay in uu noqdo  la Taliye Sare Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqadir Maxamed Nuur oo dhawaan laga qaaday xilka Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Khamiistii waxaa laga qaaday xilka taliye ku xigeenka Koobaad ee  Hay’adda Nabadsugid, kaddib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY