Akhriso Xogta ku saabsan Ra,iisul Wasaare Kheye iyo Farmajo oo Markan Wajahaya...

Akhriso Xogta ku saabsan Ra,iisul Wasaare Kheye iyo Farmajo oo Markan Wajahaya Mucaaradkii ugu Badnaa

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Warbaahinta  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu wajahayo Mucaarad xoog leh oo kaga imaanaya Siyaasiyiin dowlada Soomaaliya ay ka jaratay lacago ay siin jirtay si ay u taageeraan.

Tan iyo markii uu xilka Madaxweynaha ku guuleystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu la yimid siyaasado ka duwan Madaxdii hore waxaana ka mid ahaa inuu afka u buuxiyay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadii ku kacsanaa Dowladii Xasan Sheekh oo Shacabka ka horkeenay.

Dowlada ayaa qoratay Siyaasiyiin indho u ah Bulshada si wanaaga Dowlada kaliya ay u sheegaan iyagoo Dhaliil iyo waxyaabaha ay u arkaan inay qaldan yihiin aanay ka hadli Karin.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amar ku bixiyay in la hakiyo lacagaha Mushaaraadka la siiso qaar ka mid ah dadka Dowlada taageersan si loo kala saaro kuwa dowlada lacagaha ka qaata balse aanan la shaqeyn iyo kuwa sida wanaagsan Dowlada u garab taagan.

Siyaasiyiintan qaarkood ayaa magaalada Muqdisho ka wada Olole ka dhan Kheyre, iyagoo kulamo la qaadanaya qaar ka mid ah Xubnaha Mucaaradka iyo Xildhibaanada aan taageersaneyn Madaxda Dalka.

Talaabadan ayaa sabab u noqotay in bishii Labaad aysan helin helin Siyaasiyiin iyo Nabadoobno caan ah lacagihii ay bil walba qaadan jireen.

Kheyre ayaa guddi u xilsaaray inay baaraan arrintan dadka laga shakisan yahay lagana joojiyo lacagaha la siiyo, waxaana laga yaabaa inay arrintan sabab u noqoto in Mucaaradka dowlada uu bato maadaama Siyaasiyiintan ay aamusnaayeen tan iyo markii ay timid dowlada Farmaajo.

LEAVE A REPLY