Akhriso Xogta ku sabsan waxa ka jira in Kheyre oo si...

Akhriso Xogta ku sabsan waxa ka jira in Kheyre oo si Hoose u saxiixay Dhismaha iyo Qandaraska dakada Garacad ee tan hobyo lagu carqaladeynayo yaase dhisaya dakada garacad?

0
SHARE

Kadib markii Ra’isal wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre cududaar ka bixiyey dorraad ka qayb galka munaasabad dhagax dhig ah ee loo sameynayey Dekad laga dhisayo Garacad ”Gobolka Mudug” ayaa waxaa soo baxay khilaaf ka bilowdey kaasoo saameyn ku yeeshey kulamo la filayey iney dhexmaraan Puntland iyo Federaalka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada Soomaaliya soo kala dhexgaley xiisada siyaasadeed ee ka bilaabatey dhagax dhig loo sameeyey dakad la sheegey in laga dhisayo Garacad.

Madaxweyne Farmaajo oo khadka taleefanka kala hadlay Madaxweyne Gaas ayaa sida aan wararka ku heleyno ka codsadey in xiisada uu qaboojiyo.

Dhinaca kale in qayb ka tirsan golaha xukuumada Soomaaliya ayaa shalay waxay ka soo dageen garoonka diyaardaha magalada Garowe kuwasoo qorsheynaya iney ka qayb galaan kulan horey la filayo inuu dhexmaro golayaasha xukuumada Puntalnd iyo Federaalka.

Warar kale oo lagu Kalsoonyahay aya shegaya in kheyre uu ogalaaday  dhismaha dakada garacad isla markana  malaayin doolar ay dowlada si hoose ugu  gudbin doonto  puntland si loo xaliyo  buuqii ka dhashay  markii uu kheyre ka baaqday safarkii garacad

ilo Wareedyo lagu kalsoon yhy oo ka tirsan xafiiska madaxweyne  xaf aya shegay in ay ka war heleen xogta shegaysa in uu saxiixay  qandaraska  dhismaha garacad iyadoo labad dhinac  la  isku afgartay in la ilaaliyo bahainta xogta iyadoo la egayo culaysyada siyasaded ee kheyre ka soo wajahay dhanka odayasha hawiye

mid ka mida dowladaha carbeed aya qandaraska dhismaha qadan doono waxana  ilaa  iyo hada la raadinaya xogta  cida  hawushan sameyn doonta sida wasiiro ka tisan galmudug ay hobyomedia.com u  xaqijiyen

ilo wareedyo aya  tilmamaya in dowlada imaradka ay maalgashan doonto dhismaha dakada  garacad waxana  heshiiskan uu dhacay socdaalkii dhawan uu dubia ku tagay madaxweynaha puntland iyadona labada dhinac la isku wada afgartay arintan

gaas aya kheyre u shegay in arinta dhismaha dakada garacad  aysan ku jirin loolanka siyasaded ee  imaradka iyo dowlada dhexe  arintan ay tahay go.aan puntland iyo shacabkeda ay u wada dhan yihiin

dakada  garacad aya qorsheeda uu yhy in lagu carqaladeeyo dhismaha dakada hobyo sida   dad baddan ay aaminsan yihin madama gobalka mudug labo dakadood in dowlad sidan u daciif ah ay  dhisto ay aad u adag tahay waxana labada  dakadood ay noqden kuwo isku mar isku soow ada beegmay

maamulka galmudg aya laga sugaya in ay faah faahin ka bixiyan xogtan cusub ee hobyomedia mar kale ay shaaca ka qaaday waxana arintan ay ku soo began tay  xili  kheyre uu soo foood saaray culayso kala duwan

LEAVE A REPLY