Aqri Xog ku saabsan Cadaadiska Ra,iisul Wasaraha Somaliya uga Imanaya Habargidir iyo...

Aqri Xog ku saabsan Cadaadiska Ra,iisul Wasaraha Somaliya uga Imanaya Habargidir iyo Agbaal

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Hobyomedia.com  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu xalay kulan gaar ah oo Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beelaha Abgaal iyo Habar gidir.

Kheyre oo kulankan codsaday ayaa ujeedkiisa ahaa in Wada shaqeyn wanaagsan ay la yeeshaan Xukuumadda Siyaasiyiinta dhaliisha joogtada la barbar taagan dadaalada ay wado dowlada Federaalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u cadeeyay in Mucaaradnimada qaar ay dhibaato dhaxalsiin karto dalka iyo dadka maadaama Talaabo walbo oo dowlada ay qaado loo fasirayo hab qaldan, taas ay ceeb ku tahay siyaasiyiinta qaarkood.

Waxgaradka kulanka ka hadlay ayaa intooda badan sheegay in ay la dhacsan yihiin hanaanka xukuumadda wax u wado, iyagoo taasi ka duulayana ay doonayaan in Siyaasiyiinta qaar ee beelahooda kasoo jeeda ay si wanaagsan u garab istaagaan Dowlada.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa gaba gabadii kulanka sheegay in la sameyn doono Madal ay fikradaha isku dhaafsan doonaan Madaxda dalka iyo Siyaasiyiinta waaya aragnimada u leh arrimaha siyaasada si ay talooyin badan kaga bixiyaan Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.

Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan wararka qaar ee la isla dhex marayay ay sheegayaan in beelaha Abgaal iyo Habargidir ay wada shaqeynta kala laabteen Kheyre, iyagoo ka codsaday Madaxweynaha inuu xilka ka qaado, wuxuuna kulankan beeninayaa in khilaaf sidaas ah uu jiro.

LEAVE A REPLY