Daawo Sawirada ; Degmada Hobyo oo Wali Hogaaminaysa Ciyaaraha...

Daawo Sawirada ; Degmada Hobyo oo Wali Hogaaminaysa Ciyaaraha Degmooyinka Galmudug iyo Ciyartii cabudwaaq oo mar kale guul ay ka soo Hooyeen Hobyo

0
SHARE

HM__  Xafiiska Austria :   Ciyaar aad u xiiso Badan aya maanta Galinkii Danbe waxa ay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug waxana Ciyaartan ay qayb ka ahayd  Koobka Degmooyinka Galmudug oo wali si  habsami ah uga soconaya Magalada Gaalkacyo.

Xulalka ciyaartoyda Degmada Hobyo aya wali Hogaaminaya Ciyaar wanaga waxana Maanta Xulka Hobyo ay Fooda is dareen Xulka degmada Cabudwaaq iyadoona  Ciyaartaasi ay ahayd Mid aad u xiiso badan.

Ciyaartoy aad u farbadan oo isaga kala yimid degmooyinka galmduug aya ciyaartii maanta goob joog ahaa waxana ciyaartoyda degmada Hobyo ay soo bandhigeen ciyaar aad loo wada jeclaystay iyadoona ciyaartii maanta ka soo hooyay Guul.

Qaybti 1aad ee Ciyaarta aya  ahayd mid aad xiiso badan waxana taagerayaasha labada dhinac ay ku qaylinayeen Erayo ay ku amaanayan labada degmo ee wada Ciyaarayay.

Qaybta  1aad  ee Ciyaarta Dhamadkeedi ayaa Degmada Hobyo waxa ay Nasiib u Yeelatay in ay Dhaliso Goolkii Guusha waxana goolkaasi uu badalay Jawiga Garoonka Cabdulaahi  Ciiise ee Magaalada Gaalkacyp.

1 iyo 0 ayay ku dhamaatay Qaybta 1aad ee Ciyaarta  halka Kooxda Degmada Cabudwaaq ay soo bandhigeen Ciyaar wanag .

Qaybtii 2aad  ee Ciyaarta aya  waxa  ay ku Bilaabtay  dar dar ,   labada Kooxood ayaa mid mid kale isku dayay in uu gool dhaliyay balse kooxda degmada cabudwaaq aya qaybtii labaad ee  Ciyaarta ku aruuray Daafac   ,halka kooxda degmada hobyo ay wadeen weerar xoogan.

Ugu Danbeyn Ciyaarta aya ku dhamatay 1 iyo 0 iyadoo ay Guusha halkaasi ku raacday Degmada Hobyo.

Sadalintii galabta ee aanu idin soo bandhignay aya ahayd in Xulka Hobyo ay Ciyaarta Degmada Cabudwaaq ay la ciyaarayan ay ka soo Hoyn doonaan Guul waana mid ka mida Guulaha ay wali hogaaminayaan Degamada Hobyo.

Taagerayaasha iyo  Dadka Sadaaliya Ciyaraha aya u arka in Xulka Degmada Hobyo ay dhici karto in ay qaadaan Koobak degmooyinka Galmudug madama labadii kulan ay ciyaareen ay soo hooyeen Guulo lagu  kalsoonaan karo.

Xafiiiska Wararka Austria 

W:Q: Samiir Xasan adan 

Daawo Sawirada  , Xaquuda Sawirada waxa iska leh Wariye Safiyo Sheikh Cali oo Ku Sugan Gaalkacyo

 

LEAVE A REPLY