Daawo Sawirada Madaxweyne Xaaf oo Muqdisho kulan Xasaasi ah kula yeeshay safriirka dowlada mareykanka u qaabilsan Somaliya Danjire Martin Deal.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa maanta Kulan kula yeeshay Safaarada Mareykanka ee Magaalada Muqdisho safriirka dowlada mareykanka u qaabilsan Somaliya Danjire Martin Deal.

Waxay kawada hadleen Arrimaha Amniga guud ahaan Somalia oo mareykanku qeyb weyn ka qaato Gaar ahaan Arrimaha Galmudug,
Hormarka dhaqaalaha, la dagaalanka alshabaab iyo arrimo kale oo dhowr ah
Maxaweynuhu waxa uu uga mahad celiyay kaalintii ay Safaarada Mareykanku kulahayd Heshiiska Ahlusuna iyo Galmudug oo Madaxweybe xaaf uu si gaara isugu xil saaray.

Ugu Horayn Madaxwayne Xaaf ayaa Saxaafada Maraykanka uga Mahad Celiyey Gacanta ay Dowlada Maraykanku ka gaysatey Tababarka Ciidanka Danab ee Galmudug.

Waxa uu sidoo kale uga mahad celiyay
Heshiiskii nabadeynta ee magaaalada gaalkacyo oo hada ah magaallo ay si Nabada isu dhex maraan ayna ku wada noolyihiin dadka walaalaha ah ee wada dega magaaldaas.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale safiirka uga Mahad celiyay kaalintii uu ku laha shirkii dhowaan kusoo gaba gaboobay barasalis

Sidoo kale Madaxweynaha Doowlad Goboleedka Galmudug Ayaa Kala Hadlay danjire Martin Deal sidii Dowlada mareykanku ugu qeyb qaadan lahayd la dagaalanka alshabaab Gaar ahaan sidii Alshabaab looga Xoreyn laha deeganada ay ugu Sugan yihiin Galmudug

Danjiraha Dowlada Mareykanka u qaabilsan Somaliya Martin Deal ayaa xusay in Galmudug uu madaxweyne xaaf ka Sameeyay hormaro la taaban karo isagoona madaxweynaha ku bogaadiyay Shaqada adag ee uu mudada kooban uu ku qabtay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Safar dibada ah ku maqnaa Maalmihii lasoo dhaafay ayaa kulamo Horay ula yeeshay Madaxda Qaar kamid ah wadamada Uu booqday iyo Jaalliyadda Soomaliyeed ee ku nool Dalalkaas.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

(Sawiro+Faah-Faahin Dab Qasaare Hantiyeed Gaystay Oo Qabsaday Mid Ka Mid ah Dhismayaasha Ugu Caansan Dhanka Gaalkacyo ee Galmudug
- Nov 22, 2019
HM__Xafiiska Gaalkacyo :Dab Gaystay Khasaare Hantiyeed Ayaa Saqdii dhexe Ee Xalay Abaaro 12:45 ...
Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada
- Nov 22, 2019
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay ...
DEG DEG: Kulankii Muxaadarada uu Sheikh Umul ku qaban lahaa Muqdisho oo baaqday + Sababta
- Nov 22, 2019
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inuu baaqday ...
Natiijooyin hordhac ah oo laga helayo baaritaanka xabadii dishay Elmas Elman
- Nov 22, 2019
Waxaa soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo ku saabsan halka ay ka timid xabadii ...
Dowlad ka tirsan Yurub oo dayuurad gargaar sida ka soo dejisay Muqdisho (Sawirro)
- Nov 22, 2019
Diyaarad weyn oo sida gargaar loogu tala galay dadka fatahaadaha iyo daadadka roobku ku ...
Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
 
Advertisements